Madaxweynaha Jubbland oo ku taliyay in la dhameeyo khilaafka jira.

0
633

Axmed Maxamed Islaam Madoobe Madaxweynaha maamulka Jubbaland oo Xalay ka hadlayay  munaasabaddii lagu caleema saarayey madaxweynaha cusub ee Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa uu ka hadlay qodobo aad u badan oo quseeya Xaalada guud ee Soomaaliya.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa Waxa uu sheegay in muhiim ay tahay ugu horreyn in la is cafiyo, islamarkaana  laga shaqeeyo sidii dalka wax badan looga bedali lahaa xaaladda uu hada ku sugan.
Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa ku baaqay in khilaafka jira lagu dhameeyo wadahadal iyo is faham.

Halkan ka dhageyso codka