Duqeyn ka dhacday Jilib oo lagu dilay Xubin ka tirsan Al-Shabaab

0
863

Howl-galka Maraykanka Afrika ee Africom loo yaqaan ayaa sheegay in Diyaaradahooda dagaalku ay Laba weerar ku qaadeen fariisimaha dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ku leeyihiin Soomaaliya.

Af-hayeen u hadlay Africom, ayaa Wakaaladda wararka ee AP u sheegay in wixii xog ah ee ku aaddan Duqeynta iyo weerarrada ka dhanka ah Al-Shabaab ay la wadaagi doonaan Dowladda federaalka Soomaaliya.

Af-hayeenka ayaa goor-dambe u xaqiijiyay warbaahinta in ay dileen xubin ka mid ahaa Al-Shabaab, duqeyntuna ay ka dhacday agagaarka Magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe, balse ma bixin wax faah-faahin ah oo intaasi dheer.

Dhowaan ayay ahayd markii ay Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibbadooda Africom ay weerar ka dhacay Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe ku dileen ugu yaraan 50 ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab.