Dhageyso:-Xeer Ilaaliyaha Qaran-ka Soomaaliya “Garsoor-ka”Waa Qabyo…

0
744

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in ay jiri karaan mararka qaar qaladaad ka dhaca Garsoorka.
Waxa uu sheegay Boqolkiiba Boqol in hada aanay jirin Garsoor rasmi ah oo dalka ka howlgala, laakiin waxa uu qiray in uu jiro Garsoor Boqolkiiba Boqol aan liidan.
Dr. Axmed Cali Daahir Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dib u dhis balaaran lagu sameyn doono Hay’adaha Garsoorka Dalka, sidoo kalena Dowladda Federaalka arrimahaasi hada ay ku mashquulsan tahay.

Dhanka kale Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Axmed Cali Daahir ayaa ka hadlay baahinta xafiiska xeer Ilaalinta ee Maamul Goboleedyada Dalka, isagoo sheegay in hada inta badan xafiiska Xeer Ilaalinta uu ka howgallo meelo badan.
Inta badan dadka shacabka ah ee adeega Garsoor u doonta Hay’adaha Garsoorka Dalka ayaa inta badan waxa ay ka cawdaan Hababka ay go’aanada u gaaraan Maxkamadaha.