Boliska Kenya ayaa sheegay in 4 qof lagu dhaawacay weerar ay Dagaalamayaal ka tirsan Xarakadda Al-Shabaab waaberigii hore ee saakayto ku qaadeen xarun ay Shaqaale Shiinees ah ku leeyihiin Deegaanka Shimbireey oo 50-KM u jira magaalladda Gaarisa.
Taliyaha Boliska Garissa, Richard Kenina ayaa sheegay in Iska-caabin ay sameeyeen gacan ka geysatay in la badbaadiyo dad badan, waa sida uu hadalka u yiri.
Waxa uu intaasi ku daray in Ciiddankii Ammaanka ee ku sugnaa Xeradaas inay iska caabiyeen weerarkii Alshabaab, kadib, markii ay labada dhinac isweydaarsadeen Tacshiirad socotay muddo 15-daqiiqo ah
Wargeyska Maalinlaha ee NATION ee ka soo baxa magaalladda Nairobi waxa uu qoray in Iska horimaadkaasi lagu dhaawacay 4 qof oo rayid ah, oo 2 ka mid la sheegay inay ahaayeen Nin iyo Xaaskiisa.