Wasiirka Arrimaha Gudaha Turkiga Oo Booqasho Ku Imaan Doona Muqdisho & Sababta Oo La Shaaciyay

0
656

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Turkiga, Suleymaan Soylu iyo Wasiirka Amniga Gudaha ee Somalia,  Maxamed Abukar Islow “Ducaale” waxay Kulan Khaas ah ku yeesheen Caasimadda dalkaasi ee Ankara oo ay kaga wada hadleen Xiriirka Taariikhiga ee labada Dal iyo sidii loo xoojin lahaa Cilaaqaadka iyo Iskaashiga.

Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anadolu Agency waxay sheegtay inay Labada Wasiir yeesheen Kulan muhiim ah oo waxtar leh.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Turkiga, Suleymaan Soylu waxa uu tilmaamay inay ka shaqeynayaan sidii  Xiriirka labada waddan loo gaarsiin lahaa Heerka ugu wanaagsan, gaar ahaan dhinacyadda Taageeradda Kaalmadda Samafalka iyo Iskaashiga dhinaca Ammaanka.

Wasiirku waxa uu bogaadiyey Xiriirka labada Waddan, wuxuuna sheegay in Taariikhda Somalia iyo Turkiga lagu qori doono Warqado Dahab ah ” Golden letters”

Labada Wasiir waxay wada qireen inay ku qanacsan yihiin Xaqiijinta Heshiisyaddii Iskaashiga ee ay Somalia iyo Turkiga kala saxiixdeen sannadkii 2018-kii.

Dhinaca kale, Wasiirka Amniga Gudaha ee Somalia,  Maxamed Abukar Islow “Ducaale” oo ka hadlay Kulankaasi waxa uu tilmaamay inaysan Ummadda Soomaalida illaawi doonin inuu Turkiga ahaa dalkii ugu horreeyey ee taageeradda Samafalka Aadminimo la soo gaaray dadka Soomaalida Abaartii  ka dhacday Somalia  sannadkii 2011-kii.

Waxa uu intaasi ku daray inay Somalia u abaal gudi doonaan Turkiga marka la gaaro maalin ay Turkiga u baahan yihiin Kaalmo, wuxuuna Wasiirka ku casuumay inuu booqasho ku yimaado Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Turkiga, Suleymaan Soylu waxa uu  sheegay inuu Somalia soo booqan doono wixii ka dambeeya bisha Maarso ee sannadkan.