Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo waxa uu sheegay inuu si xooggan u cambaaraynayo Weerarkii lagu qaaday Hotel ku yaalla Magalada Nairobi ee dalka Kenya
Qoraal uu soo dhigay Bratiisa Twitter-ka waxa uu Madaxweyne Farmaajo ku sheegay inay Dowladda iyo Dadka Kenya la qeybsanayaan xilligan tiiranyadda leh.
Madaxweynuhu waxa uu xusay inay Kenya tahay Isbahaysi muhiim iyo deris aynu walaalno nahay.
Waxa uu intaasi ku daray inay falalka noocaasi ah xoojin doonaan Hawlgalka Wadajirka ee lagu cirib-tirayo Al-Shabaab, waa sida u uhadalka u dhigay.