Khilaafka Xisbiga UCID Ee Soomaaliland Oo Sababay Is Casilaada Mas’uul Ka Tirsanaa

0
567

Gudoomiye ku xigeenkii koowaad ee xisbiga Ucid Abdinaasir Muxumed Buune ayaa sheegay in uu iska casilay xisbigii uu ka tirsanaa iyo xilkii uu hayeyba isaga oo ku eedeeyey in aanu xisbigaasi jihaba haysan, go’aanka ay ka qaateen guddida lagu muransan yahay ee doorashooyinkana aanu la qabin.

Dhinaca kale kuxigeenka xoghayaha guud ee xisbiga mucaaradka ee UCID Cabdinaasir Yuusuf Cusmaan oo bbcda la hadlay ayaa sheegay in ay Gudoomiye ku xigeenkii koowaad ee xisbiga Ucid Abdinaaser Muxumed Buune ay xilka ka qaadeen.

Tallaabadaan is casilaada ah ayaa daba socota muranka ka dhashay dib u dhigista doorashooyinka Baarlamaanka Soomaaliland oo Xisiyada qaarkood ay isku khilaafeen.