Wasaaradda Diinta Oo Ka Hadashay Shaqaala Ka Tirsanaa Oo Lagu Dilay Muqdisho

0
750

Rag hubeysan ayaa saakay waaberigii waxa ay Xaafada Haanta-dheer ee degmada deeyniile ee Gobolkaan Banaadir ku dileen Nin ka tirsanaa Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya.

Dilka Ninkaas ayaa waxaa xaqiijiyay Wasiirka Wasaaradda diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya Sheekh Nuur Maxamed Xasan,isaga oo uga tacsiyadeeyay qaraabadii iyo eheladii uu ka geeriyooday.

Sidoo kale Ninka la dilay ayaa waxa uu ka mid ahaa macalimiinta waxka dhiga Jaamacadda Daha ee Magalada Muqdisho.

Raggii ka dambeeyay dilkaas ayaa Goobta ka baxsaday,waxaana lagu wadaa in Saacadaha soo socdo lagu aaso Gudaha Magalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.