Haweenka oo banaanbaxyo ka dhigay caasimadda Muqdisho

0
899

Muqdisho ( Radio Cadaado) Isku soo baxyo ayaa lugu qabtay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho,waxuuna ahaa mid gaar u ah haweenka,sida laga soo xigtay dadka banaanbaxa ka qayb-galay.

Boqollaal haween ah ayaa ayaa isugu soo baxau faras magaalada caasimadda,kuwaaso wara boodhadh ay ku qoran yihiin halkudhagyo ay ku dalbanayaan inay door ku yeeshaan siyaasada dalka.

Dumarkan ayaa ku andacoonaya in la xaqiijiyo qoondihii loogu talagalay oo ahaa in 30% helaan kuraasta baarlamaanka ee labadal aqal.

Dibad baxa ayaa ku soo aaday xilli magaalada Muqdisho uu ka socdo shirkii madasha oo qodobada looga hadlayo ay kamid yihiin sidii loo xaqiijin lahaa xuquuqda dumarka.