Hoobiyaal lugu weerarray xaafadaha magaalada Baydhabo

0
941

Muqdisho ( Radio Cadaado) Dhowr madfac oo hoobiyeyaal ah ayaa lugu weerarray xaafadda ka tirsan magaalada Baydhabo,xilli dambe oo xalay ah,sida laga soo xigtay maamulka deegaanka.

Sida ay sheegayaan wararka madaafiicdan ayaa ku dhacay xaafado u dhow garoonka diyaaradaha Baydhabo iyo madaxtooyada maamulka Koofur-galbeed.

Illaa hadda waxaa la xaqiijiyay dhimashada hal ruux oo la sheegay inay ahayd haweeney,taaso ku dhimatay madaaficda xalay ku dhacday qaybo ka mid ah magaalada Baydhabo,saddex ruux oo kalana waxaa la sheegay inay dhaawacmeen.Saraakiisha Booliska magaalada Baydhabo ayaa sheegay in madaafiicdan ay badankood ku dhaceen xaafada Wadajir.

Hase ahaatee,warbaahinta gudaha ayaa baahisay in madaafiic dhowr ah ay ku dhaceen garoonka diyaaradaha Baydhabo oo saldhig u ah Ccidamada AMISOM ee ka socda Itoobiya, lamana oga khasaaraha ka dhashay.

Ururka al-Shabaab ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen madaaficda ku soo dhacday magaalada oo saldhig u ah maamulka Koonfur-galbeed,waxaana la sheegay weerarkan inuu wax u dhimay nabad-galyadda deegaanka.

Weerarro noocah ayaa horay al-Shabaab waxaa ay uga geysteen magaalada Baydhabo,waxaana ugu dambeeyay madaafic magaalada lugu gaaracay bishii Ramadaan ee an ka soo gudubnay.