Waxay u muuqataa in labada wakiil ee Jorge Mendes iyo Mino Raiola ay noqdeen labada wakiil ee ku tartamaya awooda suuqa kala iibisaga ciyaartoyda Yurub. Waxay wakiilo ka yihiin inta badan ciyaartoyda ugu caansan dunida. Mendes ayaa markii hore loo arkayay wakiilka wakiilada laakiin Mino Raiola iyo wada xaajoodkiisa adag ayaa keentay in uu inta badan saxaafada qabsaday gaar ahaan intii uu socday wada xaajoodka Paul Pogba ee Man United iyo Juventus.
Jorge Mendes ayaa wakiil ka ah Jose Mourinho, Cristiano Ronaldo, David De Gea iyo ciyaartoy aad u badan oo magac wayn ku leh kubbada cagta halka Mino Raiola uu wakiil ka yahay Zlatan Ibrahimovic, Henrikh Mkhitaryan , Paul Pogba iyo xidigo kale oo badan. Haddaba haddii kooxo laga sameeyo ciyaartoyda ay wakiilada ka kala yihiin Mendes iyo Riaola midkee shaxda ugu fiican heli lahaa.
SHAXDA KOOXDA CIYAATOYDA UU MINO RAIOLA WAKIILKA KA YAHAY:
GOOLHAYE: Gianluigi Donnarumma, AC Milan
SADDEXDA DIFAACA AH:
Gregory van der Wiel, Fenerbahce, Bartosz Salamon, Cagliari,Maxwell, Paris Saint-Germain
AFARTA KHADKA DHEXE
Blaise Matuidi, Paris Saint-Germain, Paul Pogba, Juventus
Henrikh Mkhitaryan, Manchester United, Marik Hamsik, Napoli
SADDEXDA WEERARKA AH:
Zlatan Ibrahimovic, Manchester United, Romelu Lukaku, Everton,Mario Balotelli, Liverpool
TABABARAHA SHAXDA MINO RAIOLA: Martin Jol, Al Ahly
SHAXDA KOOXDA CIYAATOYDA UU JORGE MENDES WAKIILKA KA YAHAY:
GOOLHAYE: David de Gea, Manchester United
David Gea ayaa si joogto ah u muujiyay qaab ciyaareedkiisa fiican waxaana loo arkaa goolhayayaasha waqti xaadirkan aduunka ugu fiican. Waxa uu hadda hogaamiye ka yahay Man United basle waxa uu tartan wayn kula jiraa Manuel Neuer oo Bayern Munich ka tirsan.
AFARTA DIFAACA AH:
Thiago Silva, Paris Saint-Germain,Fabio Coentrao, Real Madrid
Afarta khadka dhexe:
Andre Gomes, Barcelona, James Rodriguez, Real Madrid
Angel Di Maria-Paris Saint-Germain, Luis Nani- Valencia
LABADA WEERARKA AH
Diego Costa, Chelsea, Cristiano Ronaldo, Real Madrid
TABABARAHA SHAXDA MENDES: Jose Mourinho, Manchester United