Weerar ku Bilowday Qarax ayaa Goor dhaw lagu qaaday Xarun Ciidamada AMISOM Faraca Burundi ay ku leeyihiin Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha .
Weerarka oo ahaa Isqarxin ayaa la sheegay in lagu dhuftay Iridka Xarunta Ciidanka Burundi ay ku leeyihiin Degmada Afgooye gaar ahaan meel u dhaw Buundada Degmada Afgooye.
Sidoo kale Al-shabaab ayaa Dagaal kula wareegay Saldhiga Degmada Afgooye iyo Qeybo ka mid ah Magaalada Afgooye.
Sidoo kale waxaa Al-shabaab ay la wareegeen Madaxtooyada Koofur Galbeed Ee Degmada Afgooye.