Shabaab oo xalay weerar ku qaaday magaalada Jowhar

0
1482

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar  Al-Shabaab xalay ku qaadeen Bar-koontorool oo Ciidamada Dowladda ku leeyihiin duleedka koonfureed ee Magalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dagaal mudo socday ayaa dhexmaray ciidamada dowladda ee koontorolka ku sugan iyo Al-Shabaabkii weerarka ku soo qaaday sida ay Radio Cadaado Ay u sheegeen dad ku sugan magalada Jowhar.

Kontoroolka xalag Al-Shabaab weerareen ayaa u dhow Xarunta Madaxtooyada Maamulka Hir-Shabeelle oo ay degan yihiin Madaxweyne Waare,ku xigeenkiisa Cali Guudlaawe iyo mas’uuliyiin kale,waana markii ugu horeysay oo ay Al-Shabaab weeraan koontoroolkaas.

Inta la xaqiijiyay hal askari ayaa ku dhintay mid kalena waa uu ku dhaawacmay weerarkaas,waxaana uu ku soo aadayaa xilli shalay Magalada Kowhar uu booqasho hal maalin sh ku tegay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ay wehlinayeen Wasiirka Amniga iyo taliysha Booliska Soomaaliya.Madaxda ugu sareysa Maamulla Hir-Shabeelle iyo Saraakiisha ciidamada.

weli wax faah faahin ah kama bixin dagaalkaas xalay ka dhacsy Magalada Jowhar,iyada saakay wararka aan heleyno ay5dheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan.