Arsenal ayaa si xun oo cadawtinimo ah u xasuuqday kooxda ree Norway ee Viking FK kulan ka dhacay Viking Stadium. Arsenal ayaa guushan ku gaadhay 8:0 iyada oo Joel Campbell iyo Alex Iwobi ay min laba gool dhaliyeen halka Cazorla, Walcott, Aktom ay min hal gool dhaliyeen. Goolka kale ayaa ahaa mid uu iska dhaliyay xidiga kooxda Viking FK ee Haukas.
Arsenal ayaa kulanka danbe la ciyaari doonta Manchester City kulankaas oo u noqon doono kulan ay si adag ugu diyaar garoobi karto ka hor inta ayna Liverpool ku soo dhawayn Emirates Stadium.
Viking FK: Austbo, Ryerson, Steiring, Mets, Haugen, Danielsen, Abdi, Sale, Samuel, Aasheim, Bringaker.
Arsenal: Ospina, Debuchy, Bielik, Gabriel, Gibbs, Coquelin, Elneny, Oxlade-Chamberlain, Cazorla, Campbell, Walcott
Kaydka: Cech, Martinez, Bellerin, Holding, Monreal, Zelalem, Reine-Adelaide, Iwobi, Willock, Akpom.
Arsenal ayuu kulankani u noqday mid aad u sahlan isla markaana ay ciyaartoyda kooxdeeda goolasha iskugu faaneen iyaga oo qaybta danbe ay ahayd qaybta ay Arsenal goolasha badan soo badhigtay.
DAQIIQADII 3 AAD ee bilawgii ciyaarta Arsenal ayaa rekoodhe lagu abaal mariyay kadib markii uu xidiga kooxda Viking FK ee Adegbenro uu qalad ku galay Debuchy laakiin waxaa fursadan Gunners ka qasaariyay Santi Cazorla waxaana fursadan badbaadiyay goolhaye Austbo.
DAQIIQADII 33 AAD Arsenal ayaa heshay goolkeeda furitaanka waxaana goolasha daadka ahaa ee Arsenal daah furay J. Campbell kaas oo ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Gunners hogaanka kula wareegtay waxaana goolkan caawiye ka ahaa xidiga ree Masar ee Mohamed Elneny. Qaybta hore ee ciyaarta ayaana natiijaan ku dhamaatay.
Markii layskugu soo laabtay qaybta danbe wax kastaaba waxay noqdeen Arsenal oo weerar ah iyo kooxda Viking FK oo awoodi wayday in ay shabaqeeda ka joojiso goolasha tirada badan ee Gunners ka soo butaacayay. Iska daa in ay iska difaacaan weerarka Gunners waxayna qayb ka noqdeen in ay shabaqooda kubbada si qalad ah ugu ridaan.
DAQIIQADII 50 AAD Arsenal ayaa heshay goolkeeda labaad waxaana gool qurux badan isla markaana uu u qalmay dhaliyay kabtankii kulankan ee Santi Cazorla kaas oo kubbad uu ka soo darbeeyay meel ka baxsan xerada ganaaxa ku dhaliyay goolkan, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2:0 ay Gunners hogaanka ku dheeraysatay.
DAQIIQADII 53 AAD oo ah saddex daqiiqo oo kaliya kadib goolka Cazorlka, ayay Arsenal heshay goolkeeda saddexaad waxaana markan liiska ciyaartoyda goolasha kulankan ka dhaliyay isku daray Theo Walcott oo uu doorkiisii gooldhaliye maqnaa intii hore, wuxuuna goolkan ku dhaliyay kubbada uu caawinteeda sameeyay t J. Campbell, waxayna markan ciyaartu noqotay 3:0 ay Arsenal hogaanka ku dheeraysatay.
MUSIIBO KALE: Daqiiqadii 55 aad kooxda Viking FK ayaa dhibta isku sii kordhisay kadib markii uu xidiga kooxdeeda ee Haukas uu si qalad ah iskaga dhaliyay goolka afraad ee Arsenal, wuxuuna goolkan iskaga dhaliyay kubbad uu Campbell ku soo karoosay xerada ganaaxa Viking waxayna ciyaartu isku badashay 4:0 ay Gunners ku xaaqayso kooxda Viking FK.
DAQIIQADII 59 AAD Arsenal ayaa la timid goolkeeda shanaad waxaana markale soo laabtay xidiga kulankan sida uu doono uga shaqaystay ee J. Campbell kaas markan goolkiisa labaad ku dhaliyay kubbad uu caawinteeda sameeyay da’yarka Alex Iwobi, wuxuuna ciyaarta u badalay 5:0 ay Arsenal ku gumaadayso Viking FK.
DAQIIQADII 71 aad Waxaa halkooda ka sii socday goolasha tirada badan ee Arsenal waxaana markiisa kubbada shabaqa ku taabtay da’yarka Alex Iwobi, waxaana markan caawinta goolka Iwobi magiciisa ku qoray kabtankii kulankan ee Santi Cazorla, waxayna ciyaartu noqotay 6:0 bilaa jawaab ah oo ay kooxda Wenger ku burburinayso kooxda yar ee Viking FK.
DAQIQIADII 81 aad oo toban daqiiqo kadib ah goolkii hore ee Iwobi, ayuu markale Alex Iwobi kooxdiisa udhaliyay gooolka todobaad iyo goolkiisa labaad, waxaana liiska gool caawiyayaasha isku daray difaaca Krystian Bielik iyada oo Iwobi uu ciyaarta ka dhigay 7:0 ay Gunners ku silcinayso Viking FK.
DAQIIQADII 89 AAD Waxaa badhiga goolasha Gunners soo gabagabeeyay da’yarka Chuba Akpom kaas oo Arsenal ciyaarta ugu soo xidhay goolka sideedaad waxayna ugu danbayn ciyaartu ku dhamaatay 8:0 ay Gunners ku gumaaday kooxda Viking FK.