Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda Gobolka Banaadir Maxamed Xasan Faarax”Faranfar” oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ay u gudbiyeen 14 Shabaab ah oo uu sheegay in ay Qirteen Dambiyadii lagu soo qabtay.
Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda Gobolka Banaadir Maxamed Xasan Faarax”Faranfar” ayaa intaa ku daray in 14-ka Shabaabka ah ay ku jirto Haweeney lagu soo qabtay iyadoo Qori wadata.
Sidoo kale waxaa uu intaa ku daray Taliyaha Nabad Sugidda Gobolka Banaadir in Dagaalameyaasha ka tirsan Shabaab la saari doono Maxkamad si Sharciga loo horgeeyo