Kenya&Soomaaliya Oo Baaq Loo Diray Iyo Qorshe Laga Sugayo…

0
641

Maamulka degaanka Diif Soomaaliya, ayaa sheegay inaysan waxba soo kordhinayn Derbiga ay Kenya dooneyso inay ka dhisto xadka ay la wadaagto Soomaaliya.

Xasan Cabdi Cali,oo ah Guddoomiyaha Diif Soomaaliya oo u warramayay Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Dalka Kenya, ayaa sheegay in dagaalka lagula jiro Al-Shabaab aysan waxba ka beddelayn Gidaarka la dhisayo.

Mr; Xasan ayaa intaa raaciyay inuusan daruuri ahayn Derbiga, balse ay taasi ay keeni karto inay Ururka Al-Shabaab Qaraxyo waaweyn la beegsadaan halka la dhisayo, taasoo ay ka immam karto qasaare kale.

Xasan Cabdi, ayaa intaa raaciyay inuu sidoo kale Gidaarkani uu caqabad ku yahay Bulshada walaalaha ah ee Labada dhinac isaga kala gooshaya,iyadoo sidoo kale tallaabadani meesha ka saarayso mudnaanta ay Dadka degaanka u leedahay wada noolaashaha.

Xukuumadda Kenya ayuu gebagabdii ugu baaqay inay kooxaha Argagixisadu u qaadato uun inay yihiin cadaw iska caadi ah, balse ayan sidaa u buun buunin,wuxuuna u soo jeediyay Labada Dowladood inay iska kaashadaan sidii loo soo Afjari lahaa Al-Shabaab si xal waara loo helo.

Xigasho;Daily Nation