In ka badan 60,000 oo qof ayaa ka cararay magaalada El-Fasher ee Suudaan, kaddib markii ay qabsadeen Ciidamada gurmadka Degdegga (RSF) dhammaadkii toddobaadkan, sida ay sheegtay hay’adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay {UNHCR}
Waxaa jiray warar ku saabsan dilal tira badan iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha markii dagaalyahannada RSF ay magaalada qabsadeen, kadib 18 bilood oo ciriiri, gaajo iyo go’doon ay ku jirtay
qulqulka dadka ka cararaya rabshadaha ee u socda tuulada Tawila, oo qiyaastii 80km {50 mayl} galbeed ka xigta El-Fasher, ayaa kordhay maalmahii la soo dhaafay, ayay BBC u sheegtay Eujin Byun oo ka tirsan UNHCR
Waxay sheegeen sheekooyin argagax leh oo ku saabsan xadgudubyo, oo ay ku jiraan kufsi, halka hay’adda qaxootigu ay la tacaaleyso sidii loo heli lahaa hoy iyo cunto ku filan dadkaasi
isha BBC



