Guddiga Doorashooyinka Dalka Tanzania ayaa ku dhawaaqay natiijada Doorashadii maalmo kahor ka dhacday Dalkaas, Samia Suluhu Hassan ayaa heshay 98% codadkii la dhiibtay, tani waxa ay u suuragalinaysaa in ay xilka dalkaas sii hayso.
Guddigu waxa uu sheegay in doorashadii Arbacada markii ay tiriyeen codbixintii dhacday in sidaas kusoo idlaatay natiijada oo Samia Hassan loo caleemo-saarayo xilka Madaxweynaha Dalkaas oo ay haysay sida hadalka loo dhigay.
“Waxa aan halkan kaga dhawaaqayaa in Samia Suluhu Xasan loo doortay Madaxweynaha Tanzania iyada oo ka socota xisbiga CCM, waxa ay heshay 97.66%” Sidasi waxaa yiri Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, Jacobs Mwambegele oo natiijada ka shaaciyay Warbaahinta Dowladda.
Rabshada ka dhanka ah doorashadaas ayaa saddexdii cisho u dambeeyay ka dhacayay Dalka Tanzania, weli ciidamada Miliatariga ah iyo kuwa Booliiska ayaa hortaagan Dadka isusoobaxa dhigaya ee rabshadaha kala hortagaya.
Tanzania waxaa codeeyay dad gaaraya 32,678,844 balse Samia Suluhu Hassan waxa ay ka heshay codayntaas dad gaaraya 31,913,866 sida uu sheegay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka INEC oo natiijadaas shaaciyay.



