Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa ciidamo cusub ku wareejiyay adkaynta amniga Magaalada Caasimadda u ah ee Garoowe, ciidankaan oo ah Booliis dhowaan tababar gaar ah soo dhammaystay si ay wax uga qabtaan falalka amniga liddiga ku ah
Taliyaha ciidanka Booliiska Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa kulan gaar ah la yeeshay ciidamada laga wareejinayo sugidda amniga Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal isaga oo sheegay in qudhooda tababar aqoon kororsi ah la siin doonno
Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyay ciidankaan cusub, waxa uu sheegay in uusan ka hor dhacayn waxqabadkooda, aqoontooda iyo sida ay wax u qabanayaan sida uu yiri
Puntland ayaa tababar siisay ciidamo cusub oo ku biiraya Booliiska Dowlad-Goboleedkaas kuwaas oo tababarkooda la sheegay in uu la jaanqaadayo isbaddelka dhinaca Teknoolajiyadda si ay ciidamadaas uga hortagaan fal-dambiyeedka ka dhici kara.



