Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo kulan degdeg ah ka yeeshay dil wadareedkii ka dhacay Magaalada Al-Faashir ee Jamhuuriyadda Suudaan ayaa gunaanadkii fadhigaas waxa uu dhinacyada is haya ugu baaqay in ay wadahadlaan.
Goluhu waxa uu sheegay in keliya dhibaatooyinka dhacaya looga gudbi karo marka la wada hadlo, sidaas awgeed Qaramada Midoobay ay xoogga saarayso sidii dib loogu billaabi lahaa wadahadalkii horay u socday ee hakadka galay.
Soo jeedinta kulanka degdega ah waxaa lahaa 6 waddan oo 2 kamid ah Dalalka yurub, 3 waa Afrikaan halka Kan kale uu yahay dal dhaca Koofurta Qaaradda Ameerika, dhammaan waxa ay dalalkaan sheegeen in ay ka xannuunsadeen dhibaadii dhacday todobaadkaan.
Dalalka fadhiga degdega ah ee Golaha Ammanka Qaramada Midoobay codsaday waxa ay kala yihiin UK, Algeria, Sierra Leone, Somalia, Guyana iyo Denmark sida uu sheegay Afhayeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.
Dhibaatooyinka ka dhacay Jamhuuriyadda Suudaan Todobaadkaan ayaa soo jeediyay indhaha caalamka, Kooxda RSF ee garabka ka hesha Isutagga imaaraatka Carabta ayaa waji gabax kala kulantaan ficilkaas ay gaysatay koox katirsan.



