Puntland ayaa gabi ahaanba joojisay mushaharkii iyo raashinkii ay siin jirtay ciidamadii ka howlgalayay gobollada Sool iyo Cayn, kaddib markii deegaanadaas ay noqdeen maamul madax-bannaan oo lagu magacaabo Waqooyi Bari.
Ilo-wareedyo la hadlay HOL ayaa sheegay in go’aankan uu ka dhashay caro ay qaaday Puntland, kaddib markii qaar ka mid ah ciidamadii iyo saraakiishii ku sugnaa gobolladaas ay ku biireen maamulka cusub, isla markaana ay diideen inay ku shaqeeyaan awaamiirta dowladd goboleedka Puntland.
Saraakiisha ciidamadaas ayaa dhawaan kulan la yeeshay madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Lugatoor, oo kasoo jeeda gobolka Sool, iyagoo ka codsaday in uu wax ka qabto go’aanka lagu joojiyay mushaharkooda iyo raashinkooda.
Waxay sheegeen in muddo saddex bilood ah aysan helin wax mushaar iyo raashin ah, isla markaana ay ka fiirsanayaan tallaabooyin ay qaadaan, oo ay ku jirto in ay jidgooyooyin dhigtaan haddii aan laga jawaabin cabashadooda.
Dhawaan ayay ahayd markii maamulka Puntland uu sidoo kale mushaarkii iyo adeeggii ka goostay ciidanka guutada Danab oo uu hoggaamiyo Gen. Jimcaale Jaamac Takar, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ku xiran yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya



