Maxay wadaagi karaan Dekedaha Soomaaliya iyo Jabuuti?

0
4

 Maareeya guud ee Dekedda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur Ameerika ayaa la kulmay mas’uuliyiin sare oo katirsan Maamulka Dekedda Jamhuuriyadda Jabuuti oo ay kawada hadleen xoojinta xiriirka Marsooyinkaan.

Maareeye Ameeriko ayaa kormeeray Dekedaha iyo xarumaha muhiimka ah ee Jamhuuriyadda Jabuuti, waxaa uu soo indha-indheeyay qaabka ay socoto shaqada wax soo dejinta iyo la socodka dhaqdhaqaaqa marinka Ganacsiga ee xorta ah.

Waxa uu sheegay Maareeya guud ee Dekedda Muqdisho, Maxamed Cali Nuur Ameeriko in qorshahaan uu qayb ka yahay iskaashiga iyo mashruuca cusub ee Dekedda Muqdisho lagu maalgelinayo si loo ballaariyo howlaha ay qabato.

“Waxaan booqasho rasmi ah ku tagay dalka Jabuuti, halkaas oo uu kulan kula yeeshay Guddoomiyaha Maamulka Dekedaha iyo Aagagga Canshuurta La’aanta ee Jabuuti, Mudane Abuubakar Cumar Xaadi, oo uga wada hadalnay xoojinta iskaashiga dekedaha iyo isku xirka gobolka” ayuu yiri Maareeya Dekedda Muqdisho, Maxamed Cali Nuur Ameeriko.

“Intii aan joogay Jabuuti, waxaan soo booqday kaabayaal muhiim ah oo ay ka mid yihiin Damerjog Industrial Park, SGTD, Doraleh Multipurpose Port iyo Djibouti Free Trade Zone, anigoo kulammo la yeeshay madax sare iyo maalgashadeyaal si loo horumariyo iskaashiga iyo mashruuca cusub ee Dekedda Muqdisho” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Maareeye Ameeriko.