Booliska Gobolka Banaadir oo ka shiray adkeeynta Amniga Caasimadda Ka Hor Ciyaarta Fiinaalka Kubadda Cagta?

0
10

Taliyeyaasha sare ee saldhigyada booliska Gobolka Banaadir ayaa maanta kulan muhiim ah ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyagoo falanqeeyay qorshayaal lagu xoojinayo amniga guud ee caasimadda iyo degmooyinka hoos yimaada.

Kulanka oo uu shir-guddoominayay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir, Mahdi Cumar Mumin, ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadidda isuduwidda hay’adaha amniga iyo bulshada, gaar ahaan xilligan oo lagu wado in garoonka Muqdisho Stadium lagu qabto ciyaarta fiinaalka tartanka kubadda cagta ee u dhaxeeya degmooyinka Warshiikh iyo Howlwadaag.

Taliye Mahdi ayaa bixiyay amarro la xiriira sugidda amniga maalinta ciyaarta, isagoo faray saraakiisha in la adkeeyo ilaalinta goobta iyo agagaarkeeda, isla markaana aysan meel u dhow garoonka lagu oggolaan hub ama walxo khatar ah oo aan sharciyeysneyn.

Sidoo kale, wuxuu ku booriyay ciidamada in ay si dhow ula shaqeeyaan bulshada si loo dhiso kalsooni iyo wada-shaqeyn, taas oo uu ku tilmaamay furaha lagu sugi karo xasiloonida caasimadda.

Ciyaartan oo si weyn loo wada sugayo ayaa soo jiidatay dareenka dhalinyarada iyo taageerayaasha kubadda cagta ee degmooyinka kala duwan ee Muqdisho. Hay’adaha amniga ayaa dhankooda ballan qaaday inay qaadi doonaan tallaabooyin dhammeystiran oo lagu xaqiijinayo in ciyaartu ku dhacdo si ammaan ah oo nabdoon.