Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa khadka taleefanka kula hadlay Lataliyaha Madaxweynaha Mareykanka ee Arrimaha Afrika, Massad Boulos, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, dowlad-dhiska iyo horumarinta gobolka Geeska Afrika
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mareykanka iska kaashan karaan nabadda iyo xasilloonida gobolka, isagoo carrabka ku adkeeyay in la xoojiyo wada shaqeynta dagaalka Al-Shabaab iyo Daacish
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa taageerada Mareykanka ee dhismaha hay’adaha dowladeed, kobcinta dhaqaalaha iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal
Intii lagu jiray wada-hadalka, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyay dadaallada diblomaasiyadeed ee uu dhawaan qaaday Madaxweyne Donald Trump, kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwo gacan ka geystay nabadda iyo xasiloonida caalamka.



