Madaxweyne Trump oo saddex dal oo Carbeed ku cadaadinaya in ay dhisaan Qasa

0
3

Trump wuxuu cadaadis saaraya dalalka Khaliijka sida Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, iyo Qatar si ay u maalgelinayaan qorshaha dib u dhiska Qasa oo lagu qiyaasay $70 bilyan oo doolar, balse dhammaantood way ka labalabaynayaan

Dal kasta wuxuu doonayaa dammaanad ah in dagaalku uusan dib u soo noqon iyo in uu yeesho saameyn siyaasadeed mustaqbalka maamulka Qasa, sida ay sheegtay Bloomberg

 

Warbixinta oo lagu sharraxay shuruudaha saddexdam dal ay ku xireen maalgelinta Qasa, waxaa lagu sheegay

 

•Sacuudiga wuxuu wajahaya culays miisaaniyadeed oo ka dhashay hoos u dhaca qiimaha shidaalka, mana rabto inay bixiyo dhaqaale aan shuruud lahayn Financial software

•Imaaraadka Carabta wuxuu dalbanayaa dammaanad siyaasadeed oo qeexaysa cidda maamuleysa Qasa mustaqbalka, wuxuuna ku adkeysanayaa in Xamaas si buuxda hubka loo dhigo, iyo in maamulka Falastiiniyiinta ee Daanta Galbeed isbeddel lagu sameeyo

 

•Qatar iyaduna waxay rabtaa dammaanad ah inay Israa|l ixtiraami doonto heshiiska nabadda, isla markaana waxay doonaysaa door muuqda oo ay ku yeelato siyaasadda iyo maamulka Qasa ee mustaqbalka.