Kulan lagu soo bandhigayay fursadaha maalgashi dekedda Garacad oo lagu qabtay Magaalada Jigjiga.

0
3

Kulankan oo ka dhacay magaalada Jigjiga ayaa lagu soo bandhigay fursadaha maalgashi ee dekedda Garacad, oo ku taalla Maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

Kulanka oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin heer deegaan ah iyo ganacsato, ayaa diiradda lagu saaray sidii ganacsatada deegaanka ay uga faa’iidaysan lahaayeen adeegyada ganacsi ee dekedda garacad iyo fursadaha maalgashi ee ka bannaan.

Intii uu socday kulanka, masuuliyiin ka socday Shirkadda Wadaagsan oo ah shirkadda maamuleysa dekedda Garacad ayaa soo bandhigay warbixin iyo soo jeedin ku saabsan fursadaha maalgashi ee ka bannaan iyo sidoo kale adeegyada dhoofinta iyo soo dejinta badeecadaha ee ay bixiso dekeddu.

Maxamuud Qorane Maxamed, guddoomiye ku xigeenka shirkadda Wadaagsan, oo kulanka kadib la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in ujeeddada imaatinkooda deegaanka ay tahay in lagu dhiirrigeliyo ganacsatada deegaanka ka qaybgalka maalgashiyada iyo adeegyada ganacsi ee dekedda, si loo xoojiyo isdhexgalka ganacsi ee ka dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya.