Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta Dowladda Imaaraadka Carabta ka guddoomay laba gaari oo dab-damis ah oo casri ah, kuwaas oo lagu xoojinayo adeegyada gurmadka degdegga ah ee caasimadda.
Deeqdan ayaa qayb ka ah iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Imaaraadka Carabta, waxaana ay ka dhalatay wadahadallo dhowaan uu Duqa Muqdisho la yeeshay Danjiraha Imaaraadka ee Soomaaliya, Ahmed Juma Mohamed Al Remeithi, kuwaas oo diiradda lagu saaray horumarinta adeegyada bulshada, gaar ahaan dab-damiska iyo nadaafadda magaalada.
Duqa Muqdisho Muungaab ayaa uga mahadceliyay Dowladda Imaaraadka Carabta taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in deeqdan ay tahay bilow wanaagsan oo iskaashi ballaaran oo u dhexeeya magaalooyinka Abu Dhabi iyo Muqdisho, ayna sare u qaadi doonto awoodda maamulka ee ka jawaabista xaaladaha degdegga ah.
” Dalabkii aan u dirnay Dowlada Imaaraatka Carabta si deg deg ah ayay nooga soo jawaabtay” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho.
Munaasabadda lagu wareejinayay gaadiidka dab-damiska ayaa waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Xoosh), iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala socday Dowladda Federaalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Iskaashigan cusub ayaa muujinaya sida ay Dowladda Imaaraadka Carabta uga go’an tahay taageerida dadaallada dib-u-dhiska iyo horumarinta Soomaaliya, iyadoo mudnaanta siineysa adeegyada muhiimka ah ee bulshada sida amniga, nadaafadda, iyo dab-damiska.


