Axmed Ciise Guutaale, Hantidhowraha guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada Qaahira xarunta Dalka Masar uga qaybgalay Madasha 3aad ee horumarinta daahfurnaanta iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa ee Dowladaha Carabta.
Shirkaan waxaa ka qaybgalay saraakiil sare oo ka kala socotay hay’ado Caalami ah iyo Dalal, waxaa wehliyay Khubarro ku xeel-dheer dowlad wanaagga iyo la dagaalanka musuqa si ay isaga isaga kaashadaan dhaqangelinta ajandaha shirkaan.
Madasha ayaa bidhaamisay kaalinta teknolojiyadda iyo dhijitaalka ee ku aaddan xoojinta hufnaanta iyo daahfurnaanta la xiriirta dejinta siyaasado ama qorshooyin dadweyne oo wax weyn ku kordhiya dowladnimada sida hadalka loo dhigay.
Dalalka Carabta iyo hay’adaha caalamiga ah ayaa is weydaarsanaya waaya-aragnimadooda iyo dhaqamada maamul wanaagga sida looga hortago musuqmaasuqa loona gaaro yoolka laga leeyahay shirkaan sida lagu sheegay warka kasoo baxay gunaanadkiisa.
Hantidhowraha Guud ee Soomaaliya Axmed Guutaale oo khudbad ka jeediyey madasha ayaa sheegay in Soomaaliya ay billowday dhijitaaleynta isla-xisaabtanka, iyada oo laga faa’iideysanayo teknoloojiyadda. Waxa uu xoojiyey muhiimadda ay leedahay in dalalka Carabta ay iska kaashadaan horumarinta hufnaanta iyo kobcinta kalsoonida dadweynaha.
Madashan Saddexaad ee Dowladaha Carabta waa fadhi ay Dowladaha Carabtu isku weydaarsadaan waaya-aragnimadooda ayna ku horumariyaan hal-abuurka ah in xal dhijitaaleysan loo helo isla-xisaabtanka, si loo adkeeyo dowladnimada.


