Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa magaalada Waajid ee gobolka Bakool ka bilaabay kulamo wadatashi oo la xiriira hirgelinta doorashada qof iyo codka ah, waxaana xusid mudan in wafdiga Wasiirka ay qeyb ka yihiin xubno ka tirsan guddiga doorashooyinka madax banaan.
Kulamada Wasiir Jaamac ayaa uu ka wado gudaha degmada Waajid oo uu la yeelanayo qeybaha kala duwan ee shacabka ku nool Waajid ayaa ah kuwa uu ku dhiirrigelinaayo bulshada magaaladaas iney ka qaybgalaan hanaanka dimuqraadiyadeed ee dalka,.
Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ayaa talooyin iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan hanaanka ugu habboon ee lagu xaqiijin karo doorasho daahfuran oo caddaalad ku saleysan, islamarkaana awood buuxda u siinaysa shacabka inay si toos ah u soo doortaan wakiiladooda Siyaasadeed.
“Dalka doorasho qof iyo cod ayuu aadey waayeel iyo dhalinyaro hooyo iyo aabe, wiil iyo gabar reer Waajid waxay u diyaarsanyihiin iney taariikhda qayb ka noqdaan” ayuu yiri Wasiir Jaamac.
Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nurr ayaa xusay in doorashada qof iyo cod ah ay tahay talaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo hanaanka Dimuqraadiyadda, hufnaanta hoggaanka, iyo horumarinta maamulka dowladnimo ee dalka.
Ugu dambeyntii Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ayaa ugu baaqay bulshada ku nool deegaanada maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya iney door muuqda ka qaataan geeddi socodka siyaasadeed ee dalka.


