Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa yeeshay wado wadahadallo lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah, kaddib markii ay soo afjareen colaaddii u dhaxaysay muddo sanad iyo wax ka badan ka hor, taas oo lagu guuleystay kaddib dhexdhexaadin uu sameeyay Turkiga, taasoo horseeday Heshiiskii Ankara ee la gaaray bishii December 2024.
Wada hadalladan ayaa dhexmaray Gedion Timoteos, wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, iyo Cali Maxamed Cumar, wasiir kuxigeenka arrimaha dibadda Soomaaliya, oo ku sugan Itoobiya si uu uga qayb galo Shirweynaha Tana, kaas oo looga hadlayo “amniga Afrika.”
Waxaa xusid mudan in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu todobaad iyo wax yar ka hor booqday Itoobiya, taas oo qeyb ka ahayd dadaallada labada dal ay ku doonayaan in lagu xoojiyo xiriirkooda.
Intii lagu jiray sanadkii 2024, Itoobiya iyo Soomaaliya ayuu xiriirkoodu aad u xumaaday sababa la xiriira is-fahamka dhinaca badda (MoU) oo ay Itoobiya la saxiixatay maamulka Somaliland 1-dii Janaayo 2024.


