
Dowladda Turkiga ayaa 13 sanno kaddib waxa ay magacawday Danjire u joogi doonna Dalka Suuriya ee kasoo kabanaya Dagaalladii ka dhacay Dalkaas, Nuh Yilmaz oo ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dalkaas ayaa noqonaya Danjiraha howshaan qabanaya.
Sidoo kale waxa uu horay usoo noqday Madaxa fallanqaynta iyo ka hortagga Basaasiinta ee Hay’adda Sirdoonka Turkiga loona soo gaabiyo MiT, Ninkaan oo awood buuxda u leh howlaha diblumaasiyadda iyo sirdoonka ayaa shaqadaan loo igmaday si uu isugu xiro Dalalkaan xad-wadaagga ah ee Suuriya & Turkiga.
Turkiga ayaa safka hore uga jira Dalalka garab istaagay Dowladda cusub ee soo afjartay nidaamkii waqtiga dheer ee qoyska Reer Asad oo ay isaga kala dambeeyeen Xaafid iyo Bishaar oo ugu dambeyn Deseembar 2024 lasoo gabagabeeyay awoodooda Maamulka.
Xukuumadda Ankara ayaa xoogga saaraysa sidii Dalal badan ay ugu dhiiran lahaayeen la shaqaynta Dowladda sharciyadda haysata ee Madaxweynaha uu ka yahay Axmed Al-Sharci si looga caawiyo dib u dhiska, Diblumaasiyadda iyo Siyaasadda.


