Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta furaya kalfadhiga 57aad ee Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedkaas, Guddoonka Baarlamaanka iyo mas’uuliyiin kale ayaa goobjoog ka ah.
Madaxweyne Deni ayaa lagu wadaa in uu diiradda saaro waxyaabaha u qabsoomay maamulkiisa muddadii u xirnaa fadhiga Golaha Wakiillada isaga oo ka codsanaya in la ansixiyo heshiisyo iyo shuruuc Golaha Wasiirradu ansixiyeen.
Ajandaha maanta waa furmashada Kalfadhiga 57aad oo sida dastuurka Dowlad-Goboleedka Puntland furayo Madaxweynaha talada haya Siciid Cabdullaahi Deni, waxaa xigi doonna khudbad kooban uu guddoomiyaha Golaha Wakiillada jeedin doonno.



