Maxay kawada hadleen Taliyaha ciidanka Dhulka Soomaaliya & dhiggiisa Nigeria?

0
2

Magaalada Kigali ee Dalka Rwanda waxaa ku kulmay Taliyaha ciidanka Dhulka Soomaaliya Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Janaraal Khaalid) & Dhiggiisa Nigeria Major General Usman Abdulmumin Yuusuf oo ay kawada hadleen xoojinta iskaashiga labada Dal.

Kulanka inta uu socday waxaa diiradda lagu saaray sidii ay iska kaashan lahaayeen khibradaha ciidanka gaar ahaan la dagaalanka waxa loogu yeero ‘Argagixisada’ iyo tababarrada ciidamada sida lagu sheegay warka laga soo saaray kulankaas.

Labada Taliye ayaa isku raacay in ay xoojiyaan iskaashigooda maadaama ay ka midaysan yihiin la dagaalka ‘AS’ iyo Boko Haram sida warka loo dhigay, Sahal iyo Abdulmumin ayaa diiradda saaray muhiimadda ay leedahay Iskaashigooda.

Kulankaan waxa uu qayb ka yahay kulamada uu Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliya la qaatay saraakiil ciidan oo ku sugan Dalka Rwanda, xubnaha uu la kulmay waxa uu kala hadlay xoojinta iskaashiga ciidan ee Soomaaliya kala dhaxeeya Dalkooda.