Maxamed Mursal “Safarkii Baydhabo ma baaqan, Madaxweynaha ayaa naga codsaday illaa November”

0
3

Guddoomiyihii hore Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka hadlay sababta baajisay safarkii uu ku tagi rabay Magaalada Baydhabo 21kii Bishaan si uu xafiis uga furto Xisbigiisa.

Maxamed Mursal ayaa sheegay in Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ka codsaday in safarkiisa uu dib u dhigo ilaa bisha soo socota ee nofeembar sida uu Warbaahinta la wadaagay.

“Safarkii Baydhabo ma baaqan, Madaxweynaha ayaa naga codsaday illaa November” Sidaasi waxaa yiri Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan isaga oo beeniyay in Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen uu udiiday Magaalada Baydhabo.

Maxamed Mursal waxa uu kamid yahay xubnaha Mucaaradka ee Dowladda Federaalka heshiiska kula galay Doorashooyinka iyo hannaanka loo wado, waxa uu furtay Xisbi uu u raadinayo taageerro & Xafiis uu ku yeesho deegaannada muhiimka u ah.