Halka Liverpool Ay Ku Dhameysan Karto Premier League Oo la saadaaliyay

0
5

Halyeeyga Manchester United iyo khabiirka kubadda cagta, Michael Carrick, ayaa sheegay in Liverpool ay wali awood u leeyihiin inay ka soo kabsadaan hoos u dhaca ay haatan ku jiraan isla markaana ay dib ugu biiri karaan tartanka horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Liverpool ayaa la kulantay saddex guuldarro oo xiriir ah oo Premier League ah, tan ugu dambeysayna waxay ahayd 2-1 oo ay kaga badiyeen Manchester United usbuucii hore, taas oo ahayd guushii ugu horreysay ee Red Devils ay ka gaadhaan Anfield ku dhowaad toban sano.

Xilli Arne Slot kooxdiisa ay hoos ugu dhacday kaalinta afraad, iyagoo afar dhibcood ka dambeeya Arsenal, Carrick wali ma arko sabab uu Reds kaga saarayo tartanka.

“Waxaan u maleynayaa inay weli si fiican u ciyaarayaan,” ayuu Carrick ku yiri Premier Productions.

Carrick wuxuu sheegay in waqti badan uu u yaallo Liverpool si ay u soo ceshadaan qaabkoodii, isagoo tilmaamay in hoos u dhaca xilli ciyaareedku mararka qaar yahay qayb caadi ah oo kooxaha waaweyn soo maraan.

“Waqtiga ay ku dhacdo hoos u dhaca ayaa muhiim ah. Haddii tani ay dhacdo bisha February ama March, waxaa jiri lahaa cabsi badan. Laakiin hadda weli waa xilli hore,” ayuu yiri.

“Waxaa jira waqti badan, ciyaaro badan, iyo calaamado wanaagsan oo Liverpool dib ugu soo laaban karto. Waxaan filayaa inay ka soo bixi doonaan taas.”

Liverpool ayaa doonaysa inay dib ugu soo laabato wadada guulaha marka ay kulanka soo socda booqdaan Brentford usbuucan.