Dr Maryan Qaasim ayaa dhawaan shaacisay in ay u taagan tahay u tartamidda kursiga guddoomiyaha guddiga Madaxabannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ka gadaal markii codka kalsoonida ay ka helayn Xildhibaannada Golaha Shacabka BFS.
Kulan ay isugu yimaadeen mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa October 11, 2025 ku ansixiyeen soo jeedin ka timid Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya, 142 Xildhibaan ayaa codka kalsoonida siiyay guddigaan oo ka kooban 9 xubnood oo lix ka mid ah ay yihiin rag.
Dr. Maryan oo qoraal soo dhigtay barteeda Facebook ayay ku sheegtay in ay latashiyo badan ay sameysay isla markaana go’aan ku gaartay in ay u tartanto Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Soomaaliya maadaama ay kaashanayso aqoonteeda.
“Waxaan go’aansaday inaan isu taago qabashada xilka guddoomiyaha guddiga madaxbanaan ee xuquuqul insaanka. Waxaan idinka codsanayaa inaad ducada igu kaalmaysaan. Walaalaha sharafta badan ee xubnaha guddigana waxaan ka codsanayaa Inay codkooda iigu deeqaan,” ayay tiri Dr Maryan Qaasim.
Maxaan ka ognahay Sooyaalka nololeed ee Dr. Maryan Khaasim?
Dr. Marayn Qaasim ayaa sannad ka hor inta aysan Soomaaliya xurnimada qaadan 1959-kii waxa ay ku dhalatay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, dhammaadkii 1979 ayay ku biirtay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, iyada oo ka baxday kulliyadda daawada iyo qaliinka 1983-kii.
Ka dib waxa ay bare kaaliye ka noqotay Jaamacadda illaa 1986, waxa ay u wareegtay dalka Yaman halkaas oo ay ka noqotay dhakhtar.
Markii ugu horreysay ayay ka soo muuqatay Siyaasadda 2010-kii markii ay ka mid noqotay Xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyada oo loo magabacaabay wasiirka arrimaha haweenka iyo qoyska.
2011-2012 ayay heerka labaad ee Jaamacadda ee Master waxa ay ka diyaarisay Public Health, waxa ayna ka dhigatay Jaamacadda Warwick University ee dalka UK. Isla sanadkaas ayay madax ka noqotay xisbiga Tayo.
November 4, 2012, waxa ay markale ku soo baxday liiska Xukuumadii Ra’iisul Wasaare Cabdi Shirdoon Saacid waxaana loo magacaabay Wasiirka Horumarinta Aadanaha iyo Adeegyada Dadweynaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
March 21, 2017 ayay ku soo baxday liiska Golaha Wasiirrada ee Xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, waxaa loo magacaabay Wasiirka Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka Qaranka ee Soomaaliya.
Todobo bil ka dib November 15, 2017 ayay Dr. Maryan Qaasim waxa ay shaacisay in ay iska casishay xilka Wasiirka Gargaarka, iyada oo iscasilaadayda ku baahisay barta ay ku leedahay Twitter ee hadda loo garan og yahay X.
Waayo aragnimo shaqo ee dhanka arrimaha beni’aadannimada, hadda Dr. Maran Qaasim waa musharrax u taagan qabashada xilka guddoomiyaha guddiga Madaxabannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya.



