Ciidanka Kenya & ‘AS’ oo ku dagaalamay Gobolka Jubada Hoose

0
8

Wararka laga helayo Gobolka Jubada Hoose gaar ahaan Deegaanka Hoosingow waxa ay sheegayaan in ay halkaas ku dagaalameen Ciidanka Kenya ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM iyo AS.

Dagaalka ayaa ka dhacay meel u dhow saldhig Ciidamada Kenya ku sugan yihiin oo la sheegay in ay weerar ku qaadeen ‘AS’ waxaana inta uu socday dagaalkaas dhinac socday duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha ciidanka Kenya.

Muddo kooban kaddib Ciidamada Kenya ayaa howlgallo ka sameeyeen deegaanno u dhow Hoosingow si ay u raad-raacaan xubnaha katirsan ‘AS’ ee duullaanka kusoo qaaday inkasta oo aanay jirin faah-faahin la xiriirta khasaaraha labada dhinac kala gaaray.

Dhaqdhaqaaq ciidan oo ka dhan ah ‘AS’ ayaa ka socda Gobolka Jubada Hoose, Ciidamada Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland iyo kuwa Kenya ayaa wada abaabul halka ay la kulmayaan weerarro uga imaanaya ‘AS’