Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ayaa muujisay walaac cusub oo ku saabsan korarka kiisaska tahriibka iyo socdaalka sharci darrada ah ee ka jira Geeska Afrika, iyadoo Itoobiya, Soomaaliya iyo Ereteriya lagu tilmaamay dalalka ugu waaweyn ee ay ka soo baxaan dadka u tahriiba waddamada Khaliijka iyo meelo kale oo halis ah.
“Waxaan aragnaa koror weyn oo socdaalka ah oo ka dhaca waddada Bariga, iyadoo kumannaan qof ay naftooda halis gelinayaan iyagoo sii maraya Jabuuti iyo Yemen si ay u gaaraan waddamada Yurub iyo Khaliijka,” ayay tiri.
Warbixin ay soo saartay IOM ayaa muujisay in socdaalka dadkaan ee sharci darrada ah ee Waddada Bariga Africa ka tagaya sida Itoobiya, Jabuuti, Soomaaliya uu si weyn u kordhay sannadka 2025, taasoo ay sabab u yihiin colaadaha, shaqo la’aanta iyo barakaca ay keentay isbeddelka cimilada.
Hay’addu waxay ku baaqday in dawladaha gobolka ay xoojiyaan maareynta xuduudaha, isla markaana la adkeeyo iskaashiga lagu la dagaallamayo shabakadaha tahriibka ee ka ganacsada dadka nugul.



