Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ ayaa maanta si rasmi ah magaalada Baydhabo u soo gabagabeeyay tababar labo maalmood.
Ku dhawad 20 wariye ayaa waxaa Magaalada Baydhabo loogu soo gaba-gabeeyay Tababar ku saabsanaa Horumarinta Aqoonta iyo Kor u qaadista Xirfadda Saxaafadda, kaas oo socdey Mudo Laba maalmood ah.
Waxaana Tababarkan oo soo qaban qaabisay Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ ka qeyb-qaatey Saxafiyiin ka kala socdey Raadiyaasha Madax banaan ee kala duwan iyo kuwa Dowladda ee Magaalada Baydhabo.