Maxaa Natiijo ah oo Laga filan karaa safarka markale Madaxweyne Xasan Shiikh ku tagayo Kismaayo.?

0
6

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud in mar kale dib ugu laaban doono magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubbaland.

Sida ilo xog ogaal ah ay sheegeen Madaxweynaha ayaa kulan gaar ah la yeelan doona Axmed Madoobe, isagoo kala hadli doona khilaafka mudada sannadka taagan ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo maamulkaasi.

Kulanka oo noqonaya kii labaad ee muddo bil gudahood ah yeeshaan Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Axmed Madoobe ayaa rajo laga muujinaya in lagu gaaro heshiis meesh ka saara khilaafka hore u jiray.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa hore ugu adkeysay in Kismaayo lagu qabto doorasho xor ah oo la isku raacsan yahay, si xaqooda ay u helaan bulshada deegaannada Jubbaland.

Warar soo baxaya ayaa tilmaamaya in Madaxweyne Axmed Madoobe qaban doono doorashada goleyaasha deegaanka oo qof iyo cod ah, isla markaasna hirgali doono qorshaha dowladda Federaalka.

Kulanka Kismaayo ayaa waxaa garwadeen ka ah dowladaha dariska oo ay ugu horreyso Kenya.

5 bishaan October ayuu Madaxweyne Xasan Shiikh safar qaatay laba cisho ku tagay magaalada Kismaayo, isagoo kulan uu la yeeshay Axmed Madoobe ku soo dhammaaday natiijo la’aan waxaana lagu ballamay wareeg kale.

Wixii warar ee ka soo kordha halkaan kala soco