xiritaanka Hay’adda Caalamiga ah ee Maraykanka u qaabilsan taakulada ee USAID ayaa la sheegay in ay saamayn taban oo dhinaca dhaqaalaha ah ku reebtay Soomaaliya & Dakhliga Canshuuraha sida lagu sheegay warbixin laga soosaaray.
Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta & Dib u dhiska Soomaaliya Hodan Cismaan ayaa sheegtay in dhimista gargaarka ay dhaqaalaha uu dhaqaalaha Dalka u dhimayo Siyaabo aysan mas’uuliyintu filanayn sida ay hadalka u dhigtay.
\
Hodan oo ka hadashay Shir madaxeedka looga hadlay Dhaqaalaha xiligaan Afrika ee lagu qabtay Magaalada London ee Caasimadda Boqortooyada Ingiriiska waxa ay xustay in go’aankaas uu dhaawac dhaqaale ku yeeshay daklhiga canshuurta iibta ee Dowladda.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa horraantii sanadkaan jaray Miisaaniyadda gargaarka dibadda ee dalkaas, USAID waxaa saamayn ku yeeshay go’aankaas, waxaa meesha ka baxay Hay’adihii ay taageeri jirtay iyada oo ka gacansiinaysay dhinacyada Caafimaadka, waxbarashada iyo horumarka guud ahaan dunida.