Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa la kulmay dhiggiisa Ciraaq Sarreeye Guud Sacad Khalaf badr iyaga oo kawada hadlay Amniga, Tababarrada Ciidamada, Is dhaafsiga Khibradaha & la dagaalanka ‘Argagixisada’
Taliye Asad waxaa kulankaan ku wehliyay Safiirka Soomaaliya ee Dalka Ciraaq Danjire Ridwaan Xirsi Maxamed iyo Mas’uuliyiin kale, halka Taliyaha Booliiska Ciraaq ay la socdeen saraakiil katirsan ciidanka Booliiska Dalkaas.
Sarreeye guud Sacad khalaf oo ah Taliyaha Booliiska Ciraaq ayaa casumaad u fidiyay dhiggiisa Soomaaliya Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi si ay uga wada xaajoodaan iskaashiga labada dhinac iyada oo la eegayo cilaaqaadka fog ee Soomaaliya iyo Ciraaq.
Soomaaliya iyo Ciraaq waxa ay xubno kawada yihiin Dalalka Carabta, kuwa Iskaashiga Islaamka iyo Golaha Qaramada Midoobay, waxaa intaas wehliya cilaaqaadkii ka dhaxeeyay kahor burburka labadaan Dal ee haatan kasoo kabanaya colaadihii la degay.