Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO oo ay wehliyaan Hay’ado kala duwan iyo Ururro Caalamaki ah ayaa si wadajir ah uga digay haddii aan dhaqaale loo helin ciribtirka cudurka Dabaysha in saamayn taban uu cudurkaas ku yeelanayo dadka u nugul
WHO ayaa dalbatay in la helo dhaqaale gaaraya $1.7 Bilyan oo doollar oo lagu maalgelinayo Tallaalkaan si loo helo daawada ay u baahan yihiin carruurta ku nool Dunida ee u nugul aafada ka dhalan karta cudurka kala dhima awoodda lixaadka qofka ee Dabaysha
Isbahaysiga Caalamiga ah ee Ciribtirka Dabaylaha GPEI, Ururka Caafimaadka Adduunka WHO iyo Sanduuqa Gates Foundation ayaa sheegay in hoos u dhaca Miisaaniyadda ay halis ku tahay kahortagga cudurka Dabaysha oo dunida dagaal adag ugu jirta sidii loo ciribtiri lahaa
Sanadka soo socda 2026 waxaa hoos loo dhigayaa miisaaniyadda iyada oo si tartiib-tartiib ah loo dhimayo ilaa laga gaaro sanadka 2029ka taasina ay khatar ku tahay sidii loo tirtiri lahaa cudurkaan oo kamid ah kuwa halista ah
Hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay hoostaga ayaa walaac ka muujinaya taageerro la’aanta haysata sanadihii u dambeeyay, waxa ay ku sheegeen in tani ay tahay dhabar jab xooggan maadaama taageero loo weynayo cudurro halis badan sida hadalka loo dhigay.