Dowladda Nigeria oo qabatay labo haween ah oo loo waday Soomaaliya.

0
4

Guddiga Hisbah ee gobolka Kano ee dalka Nigeria ayaa badbaadiyey laba haween ah oo la sheegay in si sharci darro ah looga tahriibinayey gobolka Katsina islamarkaasna loo waday Soomaaliya.

Saraakiisha Hisbah ayaa sidoo kale xiray nin 43 jir ah oo lagu magacaabo Abubakar Adodo, kaas oo lagu tuhunsan yahay inuu ku lug lahaa isku dayga tahriibinta labada haweenka ah.

Ku-xigeenka Taliyaha Guud ee Hisbah, Sheekh Mujahid Aminudeen Abubakar, ayaa sheegay in howlgalka uu ka dhashay xog ay bixiyeen dad shacab ah oo ka shakiyay dhaqdhaqaaq tahriibin ah.

Saraakiisha Hisbah ayaa si degdeg ah uga falceliyey warbixinta, waxayna ku qabteen tuhunka goob basaska laga raaco ee magaalada Kano.

Labada haween ah ee la badbaadiyey ayaa lagu kala magacaabaa Hajara Ismail, oo 22 jir ah kana timid Funtua, iyo Bilkisu Haruna, oo 33 jir ah kana timid Kofar Marusa.

Waxaa la sheegay inay u socdeen magaalada Lagos, balse ay qorsheynayeen inay halkaas ka sii maraan dhanka Jamhuuriyadda Benin si ay ugu gudbaan Soomaaliya.

Sheekh Abubakar ayaa sheegay in tallaabada degdegga ah ee saraakiisha Hisbah ay ka hortagtay safarkii sharci darrada ahaa isla markaana ay xaqiijisay badbaadada haweenkaas.

Wuxuu intaas ku daray in ninka la tuhunsan yahay iyo labada haween ahba lagu wareejiyay Hay’adda Qaranka ee Ka Hortagga Tahriibinta Dadka (NAPTIP) si baaritaan dheeraad ah iyo dacwad rasmi ah loogu qaado.

Lama oga sababta ka dambeysa in haweenkaan loosoo tahriibin rabay Soomaaliya, inkastoo warbixinno hore lagu ogaaday in haween badan oo laga tahriibinayay Nayjeeriya loo isticmaalay in si qasab ah loogu shaqeysto