Lix qof ayaa la xiray ka dib markii booliska Ireland lagu weeraray dhagxaan, baaruud iyo dhalooyin xilli ay ku sugnaayeen bannaanka hotel ay degganaayeen dad magangelyo doon ah magaaalda Dublin
Gaari booliis ah ayaa sidoo kale dab la qabadsiiyay hoteelka Citywest, fiidnimadii Talaadada. Ciidamo ka tirsan kuwa rabshadaha ka hortaga ayaa ka hor istaagay dibad baxayaasha in ay gaaraan hoteelka
Qaarkood waxay siteen fargeetooyiin iyo qalab beeraha, halka qaar kalena ay waxyeelo gaarsiiyeen darbiyada
Taliyaha booliiska Garda Justin Kelly ayaa yiri: “Falalka waxaa lagu tilmaami karaa oo kaliya tuugnimo.