Booliiska Somaliland oo sheegay in uu ku raad-joogo dad ka faafiyay warar been abuur ah

0
7

War kasoo baxay Booliiska Somaliland ayaa lagu beeniyay in ciidamada Ammaanka ay xireen maamulka iyo Shaqaalaha Hay’adda Consilient Limited Company kaddib markii ay ku dhaqaaqday falal liddi ku ah maamulkaas.

Booliiska ayaa qoraal uu maanta soosaaray ku beeniyay hadalkaas, waxaana uu sheegay in uu ku raad-joogo dadkii ka dambeeyay faafinta warkaas sida lagu yiri warka lagu daabacay barta uu ku leeyahay Facebook.

Bayaanka Booliiska ayaa intaas lagu daray in maxkamad lasoo taagayo cid weliba ay ku caddaato in ay leedahay mas’uuliyadda faafinta warkaan sida hadalka loo dhigay.

“Taliska Ciidanka Booliska Somaliland waxa uu bulshada u caddaynayaa in wararkaasi yihiin kuwa aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana ay ka mid yihiin barobogaandada lagu marin habaabinayo bulshada. Ciidamada Booliska waxay wadaan baadhitaan ballaadhan oo lagu ogaanayo cidda ka dambaysay faafinta wararkan been abuurka ah, si sharciga loo horgeeyo” ayaa lagu yiri qoraalka Booliiska Somaliland.