Siyaasiyiin Mucaarad ah oo maanta la filayo in ay gaaraan Baydhabo

0
10

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Horumarinta & Midnimada Qaran, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa la filayaa in ay saacadaha soo socda gaaraan magaalada Baydhabo ee xarunta kumeelgaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.

Xubnaha Wafdigaan ayaa waxaa qeyb ka ah Xildhibaanno iyo siyaasiyiin mucaarad ku ah Maamulka Laftagareen, iyadoo laga digayo in safarkooda la hor istaago.

Mursal ayaa sheegay in ujeedka safarkooda uu yahay furitaanka xarunta xisbiga, si ay uga qeyb qaataan doorashada dadweynaha ee la qorsheeyay in dalka ka dhacdo.

Wuxuu tilmaamay in Maamulka Koofur Galbeed wadaan qorshe ay ku hor istaagayaan safarkooda Baydhabo, taasi oo khilaafeysa xurriyada hadalka iyo xaqa Dastuuriga ah.

Wuxuu intaas ku daray in xisbigiisu uu si rasmi ah u diiwaangashan yahay, isla markaana uu xuquuq ahaan la mid yahay xisbiga uu hoggaamiyo Laftagareen.

Maalmihii la soo dhaafay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waday wada hadallo la isugu keenay Madaxweynaha Koofur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen iyo xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Guddiga Madaxbannaan ee Doorashada ayaa qorsheeyay in la 30 bisha November ee sannadkan la qabto Doorashada dowladaha hoose.