Safiirka Soomaaliya ee dalka Tanzania iyo Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika, Ilyas Cali Xasan, ayaa nuqulka waraaqaha aqoonsiga danjirnimo ee dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo DRC ku wareejiyey Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalkaas, Thérése Kayikwamba Wagner.
Intii uu socday kulanka, labada dhinac ayaa si qoto dheer uga wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Congo, iyagoo diiradda saaray arrimaha nabadda gobolka, kobcinta ganacsiga, fududeynta socdaalka, iyo sidii xorriyaddooda dib loogu siin lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyada dalkaas.
Sidoo kale, kulanka ayaa looga wada hadlay kor u qaadidda maalgashiga iyo ganacsiga u dhexeeya labada dal, iyadoo la isla qaatay in la xoojiyo wada-shaqeynta ku saabsan fududeynta dal-ku-galka iyo sharciyada deganaanshaha ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo.
Danjire Ilyas Cali Xasan ayaa uga mahadceliyey dowladda DRC sida ay si wanaagsan u soo dhaweeyeen bulshada Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool, iyo sidoo kale soo dhoweynta ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa inta uu ku sugnaa Kinshasa.
Dhankeeda, Wasiirka Arrimaha Dibadda Congo ayaa sheegtay in ay garab taagan yihiin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.
Dhawaan Safaaradda Soomaaliya ee dalka DRC ayaa ku guulleysatay in la soo daayo Shacab Soomaaliyeed oo ku xirnaa xabsiyada dalkaasi, kuwaasi oo ay ku jiraan qaar muddo dheer xirnaa.