Warar soo baxaya ayaa sheegaya in amar uu soo saarey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) maanta lagu joojiyay safar ay magaalada Baydhabo ku tegi lahaayeen wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.
Wafdiga oo ay ka mid yihiin ilaa toddobo xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in loo diiday in ay raacaan diyaarad u socotay caasimadda kumeelgaarka ah ee Koofur Galbeed.
Xildhibaan Maxamed Cabdi oo qeyb ka ahaa wafdiga oo la hadlay warbaahita
ayaa xaqiijiyay in lagu wargeliyay in aysan u safri karin Baydhabo, isagoo sheegay in amarkaasi uu si toos ah uga yimid Madaxweynaha Koofur Galbeed.
“Ilaa toddobo xildhibaan iyo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maxamed Mursal ayaan nahay, safarkeenana waxaa si cad noo diiday Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen,” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cabdi.
Wafdiga uu hoggaaminayo Mursal ayaa qorsheynayay in ay Baydhabo u tagaan furitaanka xarunta Xisbiga Horumarinta & Midnimada Qaran, oo uu yahay guddoomiye ku xigeenkiisa, si ay uga qeyb qaataan howlaha la xiriira doorashooyinka dowladaha hoose ee la qorsheeyay in ay dhacaan 30-ka November.
Mursal ayaa hore uga digay in laga hor istaago safarkooda, tillaabadaasi oo ka hor imaaneysa xuquuqda siyaasadeed iyo xorriyadda hadalka ee Dastuurka dammaanad qaaday.
Wuxuu sidoo kale xusay in xisbigiisu uu si sharci ah u diiwaangashan yahay, isla markaana uu xuquuq la mid ah leeyahay xisbiga uu hoggaamiyo Laftagareen.
Dhanka kale, warar hoose ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay waday dadaallo lagu doonayo in lagu soo afjaro khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxweynaha Koofur Galbeed iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah.