Galmudug oo mamnuucday in gaadiidka dagaalka laga soo dago Deegaanadeeda.

0
5

Warsaxafadeed ka soo baxay Wasaaradda amniga maamul goboleedka Galmudug ayaa lagu mamnuucay gaadiidka dagaalka, gaar ahaan nooca loo yaqaano Cabdi bilaha in laga soo dejiyo Dekedda magaalada Hubyo ee gobolka Mudug.

Warka ka soo baxay Wasaaradda amniga Galmudug ayaa lagu sheegay in wixii maanta ka dambeeya la mamnuucay gaadiidka nooca Toyota 4WD ee loo yaqaan Cabdi bilaha in laga soo dajiyo ama laga raro Dekada Hobyo.

Wasaaradda ayaa uga digtay dhamaan hay’addaha iyo Shirkadaha ka howlgala deegaanada Galmudug ineysan ku lug yeelan keenista ama rarista gaadiidkaan la mamnuucay, iyadoona sheegtay in lagu tirin doono cid walba oo lagu arko arinkaan iney la shaqeeyaan kooxaha argagixisada.

Go’aankan ka soo baxay Wasaaradda amniga Galmudug ayaa mid la mid ah waxaa dhawaan soo saartay maamulka Hirshabeelle oo deegaanadeeda ka mamnuucday in lala soo galo hubka, gaadiidka iyo ciidanka.

Talaabadaan ay qaadeen maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa u muuqda kuwa uga sii dari kara xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo madaxda maamuladan oo isku diyaarinaya doorashooyin.